Agaasimaha AC Milan Paolo Maldini ayaa sheegay in Rafael Leao uu doonayo inuu heshiis cusub u saxiixo San Siro.
Mustaqbalka 23-sano jirkaan ayaa ah mowduuca sida weyn loo hadal hayo, iyadoo Chelsea iyo Manchester City ay labaduba isha ku hayaan saxiixiisa xagaaga 2023.
Chelsea ayaa la rumeysan yahay inay ku guuldareysatay labo dalab oo kala duwan oo ay ka gudbisay xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal sanadkii hore, iyadoo Milan ay go’aansatay inay sii haysato weerarka muhiimka ah.
Leao ayaa mar kale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Milan intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2022-23, isagoo dhaliyay sideed gool isla markaana diiwaan geliyay sagaal caawin 23 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Weeraryahanka ayaa sidoo kale u ciyaaray Portugal koobkii adduunka ee 2022, isagoo dhaliyay labo gool seddex kulan oo uu ka soo muuqday tartanka, isagoo shabaqa ka soo taabtay Ghana iyo Switzerland.
Waan hadleynaa, waxaa jira wicitaano muuqaal ah, mana ahan inaan si shaqsi ah u kulano, waxaan isku dayi doonaa inaan xal gaarno,” Maldini ayaa u sheegay Mediaset .