Paris Saint-Germain 0-0 Nice: Hogaamiyeyaasha Ligue 1 oo lagu carqaladeeyay garoonkooda Parc des Princes

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa garoonkeeda Parc des Princes barbardhac goolal la’aan ah kula gashay kooxda Nice kulan ka tirsan horyaalka Ligue 1-ka.

Hogaamiyayaasha baxsadka ah ee horyaalka Faransiiska ayaa shabaqa soo taabtay seddex jeer mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, laakiin waxay barbaro galeen Caawa.

Angel Di Maria iyo Kylian Mbappe ayaa ku dhawaaday inay gool udhaliyaan kooxda Mauricio Pochettino iyagoo Qasaariyay fursado ay ula tageen goolhayaha.

Inkastoo 20 shuut lagu tuuray Goolka, kooxda martida loo ahaa ayaa awoodi wayday inay jebiso Nice, taasoo shabaqeeda gool ka ilaashatay 18 isku day.

PSG waxay eegidoonta inay ku soo laabato wadada guusha marka ay u safarreysa Lens sabtida halka, maalinta xigta, Nice ay soo dhaweeneyso Strasbourg.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*