Paris Saint-Germain 3-1 Saint-Etienne: Mbappe oo labo gool dhaliyay Xili Messi labo Caawin sameeyay

Kooxda PSG ayaa guul raaxo leh ka gaaray kooxda Saint-Etienne kulan ka tirsan Horyaalka Ligue 1 Faransiiska oo ka dhacay garoonka Parc des Princes kaasi oo ku soo dhamaaday 3-1.

Xidigaha Mbappe iyo Lionel Messi ayaa kulankan wacdaro ka dhigay iyagoo labada gool ee ugu Horeeyay PSG kasoo shaqeeyay.

Paris Saint-Germain ayaa hogaanka looga hormaray ciyaarta lakin waxaa Daqiiqadii 42aad bar-bareeyay Kylian Mbappe oo kubad dhex dhiibasho ah ka helay Messi iyagoo lagu kala nastay 1-1.

Kylian Mbappe ayaa hogaanka u dhiibay PSG Daqiiqadii 47aad isagoo dhaliyay kubad uu dhaliyay Messi oo u soo jaray badi difaacyada kooxda Saint-Etienne waxana goolka saddexaad ku daray Danilo Pereira oo madax ku dhaliyay kubad uu soo qaaday Kylian Mbappe .

Paris Saint-Germain ayaa hogaanka horyaalka ku qabatay 14 dhibcoode iyadoo leh 60 dhibcood waxana ku soo xigta Nice oo leh 46 dhibcood.

Kylian Mbappe ayaa barbareeyay Zlatan Ibrahimovic isagoo noqday gooldhaliyaha labaad ee abid ugu goolasha badan Paris Saint-Germain ka dib markii uu labo gool ka dhaliyay kulankan.

PSG waxay booqan doontaa Nice Sabtida soo socota, halka Saint-Etienne ay martigelin doonto Metz maalin ka dib.

Kulamada la ciyaaray iyo Natiijooyinka

Paris Saint-Germain 3-1 Saint-Etienne
Strasbourg  0-0 Nice

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*