Paris Saint-Germain 4-1 Club Brugge: Mbappe iyo Messi oo Xasuuq ka geestay Garoonka Parc des Princes

Kylian Mbappe ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo isaga iyo Lionel Messi ay labadooduba laba gool dhaliyeen si ay u hogaamiyaan kooxda Paris Saint-Germain oo guul 4-1 ah ka gaadhay Club Brugge garoonka Parc des Princes.

22-sano jirkaan Mbappe ayaa goolkii furitaanka dhaliyay wax ka yar labo daqiiqo kubad uu soo baxshay goolhayaha ayuuna si fudud dhinac uga dhigay ka hor inta uusan ku darsan goolka labaad shan daqiiqo ka dib markii PSG isagoo dhameestiray kubad loo soo qaaday oo ka timid A. D. Maria.

Mbappe ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta gool caawin ah siiyay Lionel Messi oo ku jira xerada ganaaxa dhexdeeda,waxana Xidiga dhawaan ku guuleestay Ballon d’Or uu shabaqa ku hubsaday kubadaasi Daqiiqadii 38aad.

Kooxda martida loo ahaa ayaa daqiiqadii 68-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mats Rits laakiin PSG ayaa dib u soo ceshatay Ciyaarta sideed daqiiqo ka dib markii uu Messi rigoore u dhaliyay guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4-1.

kooxda PSG ayaa kaalinta labaad kaga jirta Guruubkooda A iyadoo leh 11 dhibcood halka Man city oo la dubtay ay leedahay 12 dhibcood.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*