Neymar ayaa dhaliyay labo gool iyadoo Paris Saint-Germain ay sameysay guulo xiriir ah oo ay ku bilaabatay horyaalka Ligue 1 iyagoo 5-2 kaga badiyay Montpellier kulan ka dhacay garoonka Parc des Princes.
Kooxda heysata horyaalka ayaa ku bilaabatay 5-0 ay kaga badiyeen Clermont isbuucii hore ciyaartii ugu horeysay ee Christophe Galtier ee horyaalka, waxaana ay taasi raacday guushii sagaalaad ee 10-kii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Montpellier, inkastoo rigoore uu qasaariyay Kylian Mbappe. bartamihii qeybtii hore ee ciyaarta.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France ayaa wax yar ka dib kasoo shaqeeyay goolka 1aad kubad uu banaanka soo dhigay waxaa iska dhaliyay Falaye Sacko Daqiiqadii 39aad, ka hor inta uusan Neymar u labeynin kooxda martida loo ahaa gool rigoore ah.
Neymar iyo Mbappe ayaa labada gool u kala dhaliyay kooxda martida ah halka goolka shanaad uu ku daray Renato Sanches Daqiiqadii 88aad ee ciyaarta.
kooxda Montpellier ayaa la timid labo gool oo ay u kala dhaliyeen W. Khazri iyo E. Tchato inkastoo goolashaasi aysan ka caawin in ciyaarta wax ka badasho.
Labada kooxood ayaa Axadda soo socota ciyaari doona horyaalka Ligue 1, iyadoo PSG ay booqan doonto Lille, halka Montpellier ay martigelin doonto Auxerre.