Paris Saint-Germain oo 2-1 uga badisay kooxda Lyon, Macalin Mauricio Pochettino oo iska saaray Lionel Messi

Kooxda PSG ayaa guul ka gaartay Lyon ciyaar ku soo dhamaatay 2-1, iyadoo la arkayay Macalinka kooxda PSG oo banaanka u tuuray xidigan Aduunka Lionel Messi Daqiiqadii 76aad ee ciyaarta markaasi uu keenay Achraf Hakimi.

PSG oo iskugu tageen qaar kamid ah xidigaha ugu weyn caalamka ayaa mar kale u muuqda kuwa aad u liito iyagoo qeybta hore ee ciyaarta ay shabaqa soo taaban wayday taasi oo keentay in lagu kala nasto 0-0.

isku soo laabadka Qeybta labaad ee ciyaarta kooxda lyon ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxana ka caawiyay Lucas Paqueta.

PSG ayaa heshay goolka barbaraha ee ciyaarta Daqiiqadii 66ad kaasi oo rigoore ahaa waxana u dhaliyay Neymar,

Kulankan ayaa u muuqday mid bar-baro ku soo dhamaanaya ilaa laga gaaro daqiiqadii 90+3aad ee ciyaarta markaasi oo Lucas Paqueta uu shabaqa dhex dhigay kubad uu caawinteeda lahaa Kylian Mbappe.

PSG ayaa ku jirta kaalinta ugu horeysa ee Legue 1 Dalka France iyadoo leh 18 dhibcood

Shaxda lagu soo bilowday kulankan

50 Gianluigi Donnarumma 24 Thilo Kehrer 5 Marquinhos 3 Presnel Kimpembe 25 Nuno Mendes 21 Ander Herrera 27 Idrissa Gana Gueye 11 Angel Di Maria 30 Lionel Messi 10 Neymar 7 Kylian Mbappe.

20 Islam Slimani 7 Karl Toko Ekambi 10 Lucas Paqueta 29 Xherdan Shaqiri 39 Bruno Guimaraes 25 Maxence Caqueret 3 Emerson 5 Jason Denayer 27 Jerome Boateng 17 Malo Gusto 1 Anthony Lopes

 

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*