Home Warka Xiisaha Leh Paris Saint-Germain oo bartilmaameedsatay shan ciyaartoy oo Real Madrid ah si ay...

Paris Saint-Germain oo bartilmaameedsatay shan ciyaartoy oo Real Madrid ah si ay uga aargoosato Real Madrid

0

Paris Saint-Germain ayaa bartilmaameedsatay shan ciyaartoy oo Real Madrid ah si ay uga aargoosato Real Madrid oo dhowr jeer isku dayday inay la wareegtay Kylian Mbappe sida ay sheegayaan wararka France ka imaanaya.

Mbappe ayaa weli jooga PSG inkastoo qandaraaskiisa ay ka harsan tahay wax ka yar hal sanno, waxaana la filayaa in xagaaga danbe uu si xor ah ugu wareego Los Blancos oo sannadihii ugu danbeysay xiiseyneysay 24 jirkaan.

Madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaana doonaya inuu ka aarsado Real Madrid isagoo doonaya inuu la soo wareego shan ka mid ah xiddigahooda.

Sida ay sheegtay OKDiario islamarkaana ay warisay Sport, Vinicius Jr iyo Rodrygo ayaa ka mid ah labada bartilmaameed ee ugu sareeya ee PSG iyadoo Rodrygo ay tahay midka ugu macquulsan ee ka tagi kara Los Blancos.

Dhanka kale kooxda Faransiiska waxay sidoo kale dooneysaa xiddigaha khadka dhexe Aurelien Tchouameni, Eduardo Camavinga iyo Federico Valverde. Dabcan madaama uu uu Marco Verratti ku biirayo horyaalka Qatar, waxay Paris u baahan tahay ciyaartooy khadka dhexe ah.

Si kastaba, caqabada ugu weyn ee ay wajahayaan ayaa ah in qandaraasyada ciyaartoydaan ee Real Madrid lagu burburin karo kaliya lacag waali ah.

Tusaale ahaa, Vinicius Jr waxaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa kaliya 860 milyan ginni.

Previous articleMarco Verratti oo si rasmi ah  uga tagay Paris Saint-Germain
Next articleItaly oo xoojisay rajadooda ku aadan inay gaaraan Euro 2024 xalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here