Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay dalab miiska u saartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba .
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa maraya bilihii ugu dambeeyay ee qandaraaska uu kula jiro kooxda Ralf Rangnick , mana muuqato inuu kordhinayo heshiiska kooxda.
Natiijo ahaan, waxaa sii kordhaya rajada laga qabo in Pogba uu ka tago kooxda xagaagan si xor ah, iyadoo Real Madrid , PSG iyo Juventus ay dhamaantood lala xiriirinayo.
Haddaba, Manchester Evening News ayaa sheegeysa in PSG ay hadda la xiriirtay Pogba inkastoo shuruuduhu aysan ahayn sidii ay Man United u soo bandhigtay dalabkii ugu dambeeyay.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in 29-sano jirkaan uu weli u hanqal taagayo ku soo laabashada Juventus, laakiin wuxuu u furan yahay inuu ku biiro Les Parisiens xilli ciyaareedka 2022-23.