Paris Saint-Germain oo dooneysaa Lionel Messi ama Cristiano Ronaldo hadii Kylian Mbappe uu baxo’

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi doonto inay la soo saxiixato midkood Lionel Messi ama Cristiano Ronaldo hadii Kylian Mbappe uu ka tago kooxda xagaagan suuqa kala iibsiga.

Mbappe ayaa la filayaa in kooxda heysata horyaalnimada Faransiiska ay iibiso suuqa soo socda haddii uusan saxiixin qandaraas cusub maadaama qandaraaska weeraryahanku uu dhacayo bisha Juun 2022.

Sida laga soo xigtay Le Parisien , PSG ayaa qorsheyneysa bixitaanka xiddiga heerka caalami ee dalka France waxayna bartilmaameedsan doontaa midkood Messi ama Ronaldo si ay ugu bedesho ku guuleystaha Koobka Adduunka haddii ay u dhaqaaqdo.

Qandaraaska Messi ee Barcelona ayaa dhacaya dhamaadka bisha June, xiddiga reer Argentina ayaa weli lala xiriirinayaa inuu ka tagayo Camp Nou.

Dhanka kale, Ronaldo wuxuu qandaraas kula jiraa Juventus ilaa bisha June ee soo socota, laakiin mustaqbalka 36 jirkaan ayaa su’aal laga keenay ka dib markii kooxda reer Talyaani laga reebay Champions League.

Agaasimaha Juve Fabio Paratici ayaa shaaca ka qaaday in kooxdu aysan haatan qorsheyneynin inay bilowdo wadahadalo ay kula jirto ciyaaryahanka reer Portugal si heshiis cusub looga saxiixo.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*