Paris Saint-Germain oo isha ku heysa xaalada Ousmane Dembele

Paris Saint-Germain ayaa isha ku heysa heshiiska Ousmane Dembele ee kooxda Barcelona , sida lagu sheegay warbixintii ugu danbeesay.

Weeraryahanka reer France ayaa heysta sanad kale oo uu kula sii joogayo qandaraaskiisa haatan ee Camp Nou waxaana la rumeysan yahay inuu ka tashanayo inuu heshiis cusub la gaaro.

Barca ayaa lagu xamanayaa inay rajeyneyso inay heshiis nooc ah la gaarto Dembele dhamaadka bisha, laakiin 24 jirkaan ayaa diirada saaraya ololaha France ee Euro 2020.

Shabakada Isbaanishka ee Marca ayaa sheeganeysa in PSG ay isha ku heyso horumarka, iyadoo isha ku heysa inay dib ula soo wareegto suuqa kala iibsiga.

Barca ayaa baahi weyn u qabta lacag waxaana laga yaabaa inay ku qasbanaato inay lacag ka dhigato Dembele haddii uu galo 12ka bilood ee ugu dambeysa qandaraaskiisa.

PSG ayaa durbadiiba u soo wareegtay dhanka kooxda Catalans xili ay kaga guuleesteen Georginio Wijnaldum .

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*