Home Horyaalka France Paris Saint-Germain oo ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo daafaca Arsenal Hector Bellerin

Paris Saint-Germain oo ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo daafaca Arsenal Hector Bellerin

0

Daafaca Arsenal Hector Bellerin ayaa lagu soo waramayaa inuu ka soo muuqday bartilmaameedka Kooxda Paris Saint-Germain .

Inkasta oo warar hore la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalkiisa dheer ee Emirates Stadium, Bellerin ayaa la siiyay 16 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

Isagoo heysta qandaraas uu kula joogo Gunners ilaa 2023, ciyaaryahanka reer Spain ayaa u muuqda mid ku jira qorshooyinka mustaqbalka fog ee ciyaaryahanka ay isku wadanka yihiin Mikel Arteta .

Si kastaba ha noqotee, Calciomercato ayaa sheeganeysa in PSG ay ka fiirsaneyso inay dalab u dirto daafaca midig dabayaaqada 2021.

Tababaraha cusub ee la magacaabay Mauricio Pochettino ayaa la sheegay inuu aad ula dhacsan yahay laacibkan, kaasoo sidoo kale lala xiriirinayo kooxaha Barcelona iyo Juventus .

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here