Home Horyaalka France Paris Saint-Germain ‘oo rajeyneysaa go’aan Dele Alli toddobaadkan’

Paris Saint-Germain ‘oo rajeyneysaa go’aan Dele Alli toddobaadkan’

0
Sawirka by Clive Rose/Getty Images)

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso go’aan isbuucaan oo ku saabsan dalabkooda ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Hotspur Dele Alli .

Alli ayaa hoos uga dhacay amarka kooxda Spurs ka dib markii uu boos joogto ah ka waayey tababare Jose Mourinho , kaasoo u arka ciyaaryahanka inuu dheeri ku yahay kooxda.

The Daily Mirror ayaa sheegay in Alli uu diyaar u yahay inuu u wareego si amaah ah caasimada Faransiiska iyo PSG ayaa haatan u riixaya si uu u dhameystiro heshiis bishan.

Tababaraha cusub ee PSG Mauricio Pochettino ayaa awooday inuu helo waxa ugu fiican 24 jirkaan intii uu joogay Spurs isagoo aaminsan inuu noqon karo ciyaaryahan muhiim u ah kooxda Ligue 1.

Heshiiska Alli wuxuu sidoo kale ku xirnaan karaa hadii Spurs ay diyaar u tahay inay iska casisho kubadsameeyaha Inter Milan Christian Eriksen bishaan, kaasoo ay dhawaanahan lala xiriirinayay.

Alli ayaa kaliya afar kulan oo Premier League ah u saftay Tottenham xilli ciyaareedkan, waxaana markale laga saaray safka kooxda ee u safartay Sheffield United isbuucii hore.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here