Home Suuqa Kala iibsiga Paris Saint-Germain oo u Dhaqaaday weeraryahanka Manchester United Jadon Sancho,

Paris Saint-Germain oo u Dhaqaaday weeraryahanka Manchester United Jadon Sancho,

0

Paris Saint-Germain ayaa xiriir la sameysay weeraryahanka Manchester United Jadon Sancho, iyadoo daaha laga qaaday in Kooxda Ligue 1 ka dhisan ay macquul tahay la wareegida Sancho.

Sancho ayaa la heshiiyey tababare Erik ten Hag ka dib markii uu ka soo laabtay amaah uu ku joogay Borussia Dortmund.

Ka dib markii uu saameyn ku yeeshay Bundesliga isla markaana ka caawiyay Dortmund inay gaarto finalka Champions League, waxaa jiray soo jeedin ah in Sancho fursad kale la siin doono xilli ciyaareedka cusub.

Go’aanka mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee dalka England wuxuu ku xiran yahay Man United, iyadoo PSG aysan weli u dhaqaaqin wada xaajoodka Sancho xagaagan.

Kooxda Paris ayaa soo diyaarisay dookhyo badan oo ay ku baadi goobayaan xiddig garabka ka ciyaara iyaga oo doonaya inay helaan bedelka booska uu faarujiyay Kylian Mbappe.

Wiilka kasoo baxay akadeemiga  Man City ayaa wali bixi kara xagaagan iyada oo Man United ay doonayso in ay lacag dheeraad ah u keento saxiixyada cusub suuqa ugu horeeya ee mashruuca INEOS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here