Paris Saint-Germain oo u soo bandhigtay Paul Pogba Qandaraas qaali ah

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay dalab abaal marin ah u diyaarisay Paul Pogba kaasoo beeca xorta ah uga tagi kara Old Trafford xagaagan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa loo ogol yahay inuu heshiis horudhac ah la galo koox dibadda ah maadaama uu galay afartii bilood ee ugu dambeysay qandaraaska uu kula jiro Red Devils, si kastaba ha ahaatee, waxaa la rumeysan yahay in Pogba uusan meesha ka saarin inuu u kordhiyo sii joogida Manchester.

Pogba ayaa dhawaan ku soo laabtay kooxda Ralf Rangnick horaantii bishaan ka dib markii uu dhaawac ku maqnaa tan iyo bilowgii November, taasoo la micno ah inuu kaliya 11 kulan oo Premier League ah u saftay Man United xilli ciyaareedkan.

Daily Mail ayaa ku warameysa in PSG ay diyaar u tahay inay qandaraaska u soo bandhigto xiddiga reer France, kaasoo aan waligiis ciyaarin kulan waa weyn oo gudaha Ligue 1 ah, islamarkaana laga yaabo inuu mustaqbalkiisa ku soo gabagabeeyo dalkiisa hooyo.

Juventus,Barcelona iyo Real Madrid ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan helitaanka Pogba, laakiin kooxda reer France ayaa loo badinayaa inay ku jirto booska ugu xoogan ee ay ku heli karto saxiixiia xidigan.

Intii lagu guda jiray labadii xilli ciyaareed ee uu la joogay Man United, 28-sano jirkaan ayaa dhaliyay 39 gool, waxaana uu caawiyay 49 gool 222 kulan oo uu u saftay kooxda.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*