Paris Saint-Germain ayaa been abuur ku tilmaamtay xogta la faafiyay ee qandaraaska cusub ee Kylian Mbappe .
Kooxda ka dhisan caasimadda ayaa ku qancisay Mbappe inuu saxiixo heshiis cusub oo labo sano ah oo uu ku jiro dookh ilaa 2025 bisha May, taasoo soo afjareysa wararkii dheeraa ee ku saabsanaa u dhaqaaqida Real Madrid.
Horraantii isbuucaan, majaladda Faransiiska ee Le Parisien ayaa sheegtay in heshiiska cusub ee qaaliga ah ee PSG ay ku gacan gelisay Mbappe xagaagii ay keentay in kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ay ka go’an tahay inay 23 jirkaan siiso 549 milyan ginni.
Qandaraaska Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuu ku jiro mushaharka bishii oo ah € 6m (£ 5.2m) cashuurta ka hor, iyo sidoo kale saxeexa gunno ah € 180m (£ 175.5m) oo la bixin karo muddo saddex sano ah.
Intaa waxaa dheer, warbixintu waxay sheegtay in Mbappe sidoo kale la siin doono gunno 70 milyan oo Yuuro (£61.3m), taasoo ku kordhin doonta €10m (£8.8m) xilli ciyaareed kasta oo uu kooxda sii joogo.
Kooxda ayaa warkan ku tilmaamtay mid been abuur ah.