Paris Saint-Germain oo u tartameysaa Sergio Ramos’

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa kabtanka Real Madrid Sergio Ramos xagaagaan.

35 jirkaan ayaan weli heshiis cusub u saxiixin kooxda ka dhisan Bernabeu, taasoo la micno ah in, sida ay haatan tahay, lagu heli doono beeca xorta ah dhamaadka bisha June.

Dhaawacyada uu qabay ayaa ku xadiday kaliya 21 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, mana cadda in ciyaaryahanka reer Spain uu ciyaari doono markale 2020-21 dhibaato muruqa darteed.

Manchester United ayaa lagu qiimeeyaa xiisaha daafacan, laakiin sida laga soo xigtay AS , PSG ayaa u soo ifbaxaysa sidii ay kula tartami lahayd saxiixiisa.

Warbixinta ayaa sheeganeysa in Paris ay tahay meesha ugu badan ee Ramos uu tagi karo hadii uu raadsado koox cusub, kooxda reer France ayaa diyaar u ah inay la kulanto mushaharkiisa heshiis labo sano ah

Ramos ayaa dhaliyay 101 gool wuxuuna diiwaan galiyay 40 kale 671 kulan oo uu u ciyaaray Madrid tartamada oo dhan.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*