Difaacii hore ee Manchester United iyo xulka qaranka France ee Patrice Evra ayaa usoo jeediyey tababare Erik ten Hag in uu si daacadnimo leh ula dhaqmo Cristiano Ronaldo oo uu siiyo fursado ciyareed, kaddib markii uu xiddiga Portugal lumiyey booskiisii joogtada ahaa xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo uu Ronaldo lix ciyaarood oo Premier League ah kasoo muuqday, haddana waxa uu kaliya kusoo bilowday hal kulan oo ahayd Brentford oo 13kii August si xun ugu garaacday Old Trafford, waxaana intii ka dambaysay uu Ronaldo ahaa ciyaartoy beddel ku yimaadda kulamada horyaalka, inkasta oo ciyaarihii Europa League uu kusoo bilowday.

37 jirkan ayaan xilli ciyaareedkan wali wax goolal ah ka dhalin Premier League, sidoo kalena aan wax caawin ah samaynin, laakiin ciyaartii Europa League ee FC Sheriff ayuu rikoodhe ku furay iyadoo ay kooxdiisu 2-0 kusoo adkaatay.

Sidaas oo ay tahay, Evra ayaa rumaysan in Crisstiano Ronaldo uu u qalmo in tababare Erik ten Hag uu boos joogto ah siiyo, isla markaana uu dhalin doono goolal badan, maadaama uu xilli ciyaareedkii tegay 30 kulan oo Premier League ah uu saxeexay 18 gool.

Evra oo waraysi siinayay wargeyska The Mirror ee kasoo baxa UK ayaa yidhi: “Go’aamada waaweyn ee Erik ten Hag waxay dirayaan mowjado waaweyn. Aynu wax caddayno, in Cristiano Ronaldo kaydka la dhigo waa farriin culus, sababtoo ah Cristiano Ronaldo waxa uu u fikiri doonaa in aanu caddaalad haysanin, xilli ciyaareedkii hore waxa uu dhaliyey 18 gool oo Premier League, markaa waxa maskaxdiisa kusoo dhacaysa ‘maxaa kaydka la ii fadhiisiyey?’ Wuu saxsan yahay, laakiin waxa aad leedahay tababare, waana in aad ixtiraamto go’aankiisa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Evra kusii daray: “Waan fahamsanahay cadhada Cristiano Ronaldo, laakiin Erik ten Hag waxa uu isaguna leeyahay, ‘waxa aan bilaabayaa waa cusub, Ronaldo na wali wuu ku jiraa qorshahayga,’ aniguna waxa aan hubaa in Cristiano Ronaldo uu ku jiro qorshihiisa. Waa laga yaabaa, in United ay hadda dhibaatoonayso oo ay u baahan yihiin ciyaartoyda kale, laakiin waxa aan hubaa in ay mar walba u baahan yihiin Cristiano Ronaldo. I aamina, waxa iman doonta waqti aynu u mahad-celino Cristiano oo aynu ka tuugni doono inuu sii joogo, waan ku qanacsanahay in waqtigaasi iman doono.”