Halyeeyga kooxda Barcelona ee Patrick Kluivert ayaa saadaaliyay kooxda uu isleeyahay sanadkan 2023 ayay ku guuleysan kartaa UEFA Champions League.
Kluivert ayaa sanadkii 1995 noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee taariikhda gool ka dhaliya Final Champions League isagoo goolka guusha kooxdiisii Ajax uga dhaliyay AC Milan.
Patrick oo waayo wanaagsan kusoo qaatay Barcelona ayaa lagu marti-qaaday isku aadkii wareegyada siddeeda iyo afar dhammaadka Champions League ee shalay qabsoomay.
Kahor inta uusan samayn isku aadka wareegyadaas ee shalay, Kluivert oo la weydiiyay kooxda ugu cad cad Champions League ayaa doortay kooxda horyaalka Talyaaniga wacdaraha ka dhigaysa ee Napoli.
“Haddii aan idhaahdo magaca i cajab galiyay, waxaan odhanayaa Napoli. Waxay qabsanayaan horyaalkooda waana (Muhiim) inaad lahaato khibrad Champions League, degdeg ayay wax u baranayaan” ayuu yidhi Kluivert.
Napoli ayaa loo arkaa mid wado wanaagsan oo ay ku gaadhi karto Finalka Champions League heshay, waxay wareegan siddeeda ku aaday AC Milan halka ay afar dhammaadka haddii ay gudubto la ciyaari doonto midkood Inter Milan amaba Benfica.
Napoli ayaa toddoba kamida siddeeda kulan ee ay ilaa haatan ka ciyaartay Champions League soo guuleysatay iyadoo guuldarradooda kaliyi ahayd mid kasoo gaadhay Liverpool kulan aan muhiim u ahayn.