Home Warar Ciyaaraha Maanta Paul Merson oo aaminsan in ay ‘khatar’ tahay in laga hadlo hanashada...

Paul Merson oo aaminsan in ay ‘khatar’ tahay in laga hadlo hanashada horyaalka ee Arsenal

0

Paul Merson ayaa aaminsan in ay ‘khatar’ tahay in laga hadlo hanashada horyaalka ee Arsenal xilli ciyaareedkan waxana uu ka cabsi qabaa in dhaawacyo sabab u noqdaan in ay u tartamaan kaalmaha 4-aad.

Gunners ayaa ku riixday Manchester City ilaa dhamaadka labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay City ka qaadaan horyaalka.

Arsenal ayaa la soo saxiixatay xiddiga Riccardo Calafiori waxana lala xidhiidhinayaa xiddiga Real Sociedad ee Mikel Merino.

Sabab la xidhiidha dhaq-dhaqaaq yaraanta suuqa kala iibsiga, Merson ayaa rumaysan in xiddigaha ugu muhiimsan Arsenal ay halis ugu jiraan dhaawac isla markaas kooxdu ayna awoodi karin kulamada badan ee xilli ciyaareedka.

“Waan ogahay kadib xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay ee premier League waxa laga yaabaa in hadalkaygu noqdo mid muran badan laakiin Arsenal ayaa dhawr dhaawac u jirta in ay u tartanto 4-ta boos ee ugu sareeya”ayuu paul Merson u sheegay Sky Sport.

“Marka la eego sanadihii ugu dambeeyay, Arsenal ayaa ah kooxda ugu dhaw laakiin xilli ciyaareedkii hore Saliba, Gabriel, Declan Rice, Martin Odegaard & Bukayo Saka ayaa wada ciyaaray dhamaan kulamada”.

“Dhammaan ciyaartoydooda waa weyn waxay ahaayeen kuwa taam ah, taasina waxay ahayd mid muhiim u ah kooxda Mikel Arteta xilli ciyaareedkii hore”

“In aan ka hadlo Arsenal oo ah kuwa u tartamaya horyaalka Premier League waa khatar aniga markan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here