Home Warar Ciyaaraha Maanta Paul Merson oo magacaabay labo xiddig oo Manchester United ah kuwaas oo...

Paul Merson oo magacaabay labo xiddig oo Manchester United ah kuwaas oo ku bilaaban doona kulanka Premier League ee Southampton

0

Paul Merson ayaa magacaabay labo xiddig oo Manchester United ah kuwaas oo ku bilaaban doona kulanka Premier League ee Southampton, inkasta oo mid ka mid ah uu haatan ‘ dhibtoonayo’.

United ayaa sabtida u safri doonta St. Mary’s ka dib markii laga badiyay labo ka mid ah seddexdii kulan ee furitaanka xilli ciyaareedka, iyadoo Erik ten Hag uu durba cadaadis weyn saaran yahay.

3-da dhibcood ayaa ah mid muhiim u ah kooxda waxana ay kulanka soo galayaan iyaga oo ugu cad-cad in ay si fudud u badiyaan.

Southampton oo ku soo laabatay premier League ayaa kaliya hal gool dhalisay isla markaas aan wax dhibco ah helin.

Paul Merson ayaa sheegay in Marcus Rashford yahay in uu ku bilowdo kulanka isaga oo aaminsan in uu xiddiga reer England u qalmo fursad kale.

“Inkasta oo uu Marcus Rashford dhibaatoonayo waxa uu ku bilaaban lahaa shaxdayda”ayuu Merson yidhi.

“Aniga ahaan waxa aan kulanka xiga ku bilaabi lahaa Marcus Rashford iyo Joshua Zirkzee”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here