Home Wararka Ciyaaraha Paul Merson Oo Qirtay inuu Xiddig Manchester United Ah Oo Uu Cafis...

Paul Merson Oo Qirtay inuu Xiddig Manchester United Ah Oo Uu Cafis Weydiistay

0
Ad

Khabiirka kubadda cagta  ee Paul Merson ayaa daboolka ka qaaday in uu telefoonka ka wacay kabtanka Manchester United ee Harry Maguire oo uu raalli-gelin ka siiyey hadallo kulul oo uu ku duray oo uu si weyn u dhibsaday Maguire.

Harry Maguire oo Manchester United ay soo iibsatay sannadkii 2019 oo ay kasoo bixisay £80 milyan oo Gini, kaddib markii uu wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka 2018 ee England ay timid semi-finalka, ayaa uu Paul Merson ku tilmaamay lcag lagu ciyaaray oo aanu u qalmin Maguire.

Ad

Paul Merson oo la weydiiyey sida uu u arkay in Manchester United ay £80 milyan ku iibsato Maguire, ayaa ku jawaabay: “Harry Maguire ayaa £80 milyan ahaa! ma £80 milyan. Waa dheel-dheel. Waa lacagtii ugu badnayd ee ciyaar-ciyaar lagu bixiyo.”

Xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey horyaalka Premier League ayaa Harry Maguire laga dhigay kabtanka Manchester United hase yeeshee xilli ciyaareedkii tegay ayaa si aad ah loogu dhaliillay in qaabkiisu lumay oo ay ciyaartiisu hoos u dhacday, halka tababare Erik ten Hag uu isaguna kaydka u dhaadhiciyey oo uu ka doortay Raphael Varane iyo Lisandro Martinez.

29 jirkan ayaa hadda su’aal la gelinayaa in uu u qalmayo inuu ka mid noqdo xulka qaranka England ee Koobka Adduunka ee 2022 ee bisha November ka bilaabmaya waddanka Qatar, waxaana Paul Merson oo wax laga weydiiyey qaabkii uu uga hadlay laacibkan waqtigaas uu qirtay in uu raalligelin siiyey Maguire.

“Ilama aha in aan ku saxsanaa dhalleecaynta Maguire ee waqtigaas. Waan ku qaldamay.” Ayuu yidhi Paul Merson oo intaa raaciyey: “Waxa aan doonayaa in England ay ku guuleysato Koobka Adduunka, waxa aan doonayaa in Harry Maguire uu dhaliyo goolka guusha ee koobka. Kaliya aragtidayda ayaan waqtigaa dhiibanayay, telefoonka ayaanan ka wacay Brendan Rodgers oo aan ka codsaday in uu isiiyo lambarka Harry Maguire. Waan la hadlay, waanan u sheegay in aanan ku taageersanayn in £80 milyan lagu iibsado, laakiin waan raalligeliyey. Waan ku fogaaday waqtigaas.”

Previous articleBruno Fernandes oo aad ugu riyaaqay ka garab ciyaarida Cristiano Ronaldo
Next articleXiddiga ka tirsan xulka qaranka England oo ka mamnuucay hooyadii in ay timaaddo garoomada ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here