Paul Merson oo Saadaal Ka bixiyay Kulanka West Ham United Vs Manchester United iyo Kooxda Badineysa

Photo/SkySports

Paul Merson ayaa saadaaliyey Manchester United inay guul dirqi ah 1-0 kaga gaarto West Ham United.

Red Devils ayaa ku bilaabatay isbuucaan hogaanka horyaalka Premier League, iyadoo Ole Gunnar Solskjaer wiilashiisa ay heleen 10 dhibcood heleen afartii kulan ee ugu horeysay horyaalka heerka koowaad.

Manchester United ayaa ka badisay Newcastle United iyo Wolves kulamadii ugu dambeeyay iyagoo ka soo kabsaday barbaro 1-1 ah oo ay la galeen Southampton bishii Ogosto.

Kooxda Solskjaer ayaa la kulantay guuldaradii ugu horeysay ee tartan rasmi ah xilli ciyaareedkan habeenkii Talaadada markii ay 2-1 kala kulmeen Young Boys tartanka Champions League ee Switzerland.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*