Paul Merson oo saadaaliyay natiijada kulanka Chelsea iyo Arsenal ee ‘aadka loo sugayo.
Arsenal ayaa u safri doonta Stamford Bridge si ay ula ciyaarto Chelsea, kulan noqday mid ay qasab ku tahay Gunners inay guul gaaraan si ay ugu sii jiraan tartanka horyaalka Premier League.
Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka laga badiyay, iyadoo sidoo kale laga adkaaday kulankii ay la ciyaareen Inter Milan tartanka Champions League, taasoo muujineysa xaalad aad u xun oo ay ku jiraan dhammaan tartamada.
Dhanka kale, Chelsea ayaa ku socota qaab wanaagsan waxayna dhibco isku mid ah leeyihiin Arsenal.Chelsea ayaa rajeynaysa inay sii dheereeyaan niyad-jabka Gunners.
Paul Merson ayaa rumeysan in ciyaar xiiso leh ay dhici karto iyadoo uu saadaaliyay natiijada kulanka.
Iyadoo Liverpool iyo Manchester City ay ciyaarayaan ka hor kulanka Arsenal, cadaadis ayaa saarnaan doona Gunners haddii labada kooxood ee kula tartamaya horyaalka ay guul gaaraan.
Merson ayaa sheegay in haddii Arsenal aysan badin kulankan, ay si weyn uga hari karaan tartanka horyaalka Premier League, inkastoo uu saadaaliyay natiijo barbaro ah oo 2-2 ah maadaama Arsenal ay ku jirto waqti adag dhammaan tartamada.