Ciyaaryahankii hore ee kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa sidii uu caanka ku ahaa saadaalin ku sameeyay kulamada toddobaadkan oo wareegii 37-aad ee xilli ciyaareedka 2022-23 laga ciyaarayo Premier League.
Ugu horreynba Paul ayaa aaminsan in Liverpool oo toddoba guulood oo xidhiidh ah horyaalka soo gaadhay markale maanta meel saari doonto Aston Villa isla markaana culayska kaalinta afraad kusii hayn doonto Man United.
Paul ayaa diiday inuu Man United ka reebo Liverpool wuxuuna qabaa inay Red Devils guul muhiim ah kasoo gaadhi doonaan Bournemouth oo ay Vitality Stadium ugu tagayaan.
Merson waxa uu guul ay wadada guulaha ugu soo laabtaan u saadaaliyay Arsenal oo City Ground ku booqanaysa Nottingham Forest.
Ugu dambayn Paul ayaa aamisan in Man City berri u dabaaldegi doonto hanashada horyaalkeedii saddexaad ee xidhiidh ah xasuuqna u gaysan doonto kooxda dhibaataysan ee Chelsea.
Saadaasha Oo Dhammaystiran
Tottenham 2-0 Brentford
Liverpool 2-1 Aston Villa
Wolves 1-1 Everton
Bournemouth 0-1 Man United
Fulham 3-2 Crystal Palace
Nottingham 1-2 Arsenal
West Ham 0-2 Leeds
Brighton 3-0 Southampton
Man City 3-0 Chelsea
Newcastle 4-0 Leicester City