Home Warka Xiisaha Leh Paul Merson oo saadaaliyay toddobaadka ugu dambeeya ee horyaalka Premier League xilli...

Paul Merson oo saadaaliyay toddobaadka ugu dambeeya ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2022-23.

0

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa saadaaliyay toddobaadka ugu dambeeya ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2022-23.

Manchester City ayaa ku guuleysatay Premier League halka ay boosaska afarta sarre la dhammaystireen Arsenal, Manchester United iyo Newcastle United.

Dagaalka ugu weyn toddobaadkan ayaa dhex maraya kooxaha Everton, Leicester City iyo Leeds United oo booska 17-aad ee lagu badbaado ku tartamaya.

Merson ayaa saadaaliyay in Everton guul ka gaadhi doonto Bournemouth sidaasna ku xaqiiqsan doonto baaqi kusii ahaanshaha horyaalka iyadoo ay dhaadhici doonaan Leicester City iyo Leeds United.

Paul ayaa inay guuldarro xilli ciyaareedka kusoo xidhato u saadaaliyay Man United oo Fulham ku qaabili doonta Old Trafford.

Merson ayaa saadaaliyay sidoo kale in Chelsea ay barbardhac kulanka ugu dambeeya horyaalka barbardhac kula heshiin doonto Newcastle United oo soo martiyaysa.

Merson ayaa kooxdiisii hore ee Arsenal u rajeeyay inay xilli ciyaareedka kusoo xidhato guul weyn oo ay Wolves ka gaadho.

Sidoo kale Paul waxa uu guul weyn siiyay Liverpool oo booqanaysa kooxda heerka labaad u dhacday ee Southampton.

Ugu dambayn,  Merson ayaa barbardhacii labaad oo xidhiidh ah u rajeeyay kooxda horyaalka hanatay ee Manchester City oo booqanaysa kooxda dhibta badan ee Brentford.

Saadaasha Oo Dhammaystiran

Aston Villa 2-0 Brighton

Everton 2-0 Bournemouth

Leeds 2-2 Tottenham

Man United 1-2 Fulham

Chelsea 2-2 Newcastle United

Leicester 3-1 West Ham

Arsenal 3-0 Wolves

Southampton 0-4 Liverpool

Crystal Palace 3-1 Nottingham

Brentford 2-2 Man City

Previous articleMohamed Salah oo soo bandhigay dareenkiisa ka hadhitaanka UEFA Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.
Next articleReal Madrid Oo Mbappe Si Cad Ugu Sheegtay LABA Shuruudood Oo Ka Xiga Inuu Kusoo Biiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here