Home Warka Xiisaha Leh Paul Merson oo saadaaliyey kulanka adag ee Champions League ee Real...

Paul Merson oo saadaaliyey kulanka adag ee Champions League ee Real Madrid iyo Liverpool ee lugta labaad ee wareegga 16ka ee Arbcada.

0
Ad

Khabiirka ciyaaraha ee Paul Merson ayaa saadaaliyey kulanka adag ee Champions League ee Real Madrid iyo Liverpool ee lugta labaad ee wareegga 16ka ee Arbcada.

Los Blancos ayaa ciyaartii hore ay guushu ku raacday 5-2 iydoo marti ku ahayd Anfield, balse waxa markan loogu imanayaa garoonkooda, iyadoo waliba ay xasuus xun u dhaxayso labada kooxood oo ay finalkii Champions League ee xilli ciyaareedkii tegay ay Real Madrid ku garaacday Liverpool magaalada Paris.

Ad

Liverpool oo daqiiqadihii ugu horreyeyba 2-0 la hormartay ayay Real Madrid shan gool ugu beddeshay, waxaana uu khabiirka ciyaaraha ee Paul Merson rumaysan yahay in aanay suurtogal ahayn in Liverpool oo uu u ciyaari jiray ay ka daba iman karto Real Madrid iyo saddexda gool ee la dheer yahay.

Merson oo ka hadlayay Sky Sports ayaa yidhi: “Liverpool waxay natiijo weyn ka gaadhay Manchester United, waana natiijo taariikhda gelaysa laakiin waxay ahayd inay hurddada ka kacdo oo ay bandhig fiican samayso ciyaartii Bournemouth.

“Marka aad eegto ciyaartii Bournemouth, waxa aad ka fikiraysaa fursadda Liverpool ee ciyaarta Real Madrid. Waxay u baahan yihiin ugu yaraan inay dhaliyaan saddex gool, waa su’aal weyn waxayna noqon kartaa soo laabashadii ugu weynayd ee taariikhda Champions League. Barcelona ayaa ku samaysay PSG laakiin iyagu waxay joogeen garoonkooda, tanina waa soo laabasho marti ah iyo kooxdii koobka difaacanaysay.

“Inay la iman doonaan laba gool, ma ogaan kartid laakiin in ay soo laabanayaan oo ay soo dhaafayaan Real Mdrid… wax fursad ah uma haystaan.”

Previous articleHORDHAC: Man City v RB Leipzig –ee Champions League, Wararka Labada koox iyo Shaxda Macquulka ah
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Talaado Ah 14-ka Maarso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here