Paul Pogba: ‘Marcus Rashford iyo Kylian Mbappe waa mustaqbalka kubada cagta’

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa sheegay in saaxiibkiisa kooxda Marcus Rashford iyo saaxiibkiisa ee reer France Kylian Mbappe inay yihiin “mustaqbalka kubada cagta”.

Xawaaraha labada da ‘yar ayaa horseeday isbarbardhig iyaga iyo Pogba oo sheeganaya inay fududahay in la arko sababta labadiisa saaxiib ay isugu egyihiin.

Mbappe ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka isagoo ka garab ciyaaraya Pogba sannadka 2018, waxaana uu ku amaanay Mbappe oo uu weheliyo Rashford wixii ay ku gaareen ilaa iyo haatan shaqadooda.

28 jirkaan oo lahadlaya Website-ka Man United ayaa yiri: “Waa labo hibo weyn, Waxaan umaleynayaa inay yihiin dhalinyaro aad u tayo badan. Wax badan ayey ku guuleysteen da’yartooda. Waxaan u maleynayaa inay yihiin kuwa mustaqbal ku leh kubada cagta. ”

Rashford ayaa dhaliyay 20 gool wuxuuna diiwaan galiyay 13 caawin Red Devils xilli ciyaareedkan, Mbappe wuxuu leeyahay 37 gool 43 kulan oo uu saftay Paris Saint-Germain ololahan.

Kulankii Man United ee Premier League ee ay la ciyaareen kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool ayaa la baajiyay Axadii ka dib markii taageerayaasha ay ku mudaaharaadeen garoonka Old Trafford, iyadoo kooxda Ole Gunnar Solskjaer ay la ciyaari doonto Roma semi-finalka Europa League Khamiista.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*