Paul Pogba oo bixiyey qish muujinaya inuu dib ugu noqonayo kooxdiisii hore ee Manchester United

Photo Getty

Xiddiga reer France ee Paul Pogba ayaa bixiyey qish muujinaya inuu dib ugu noqonayo kooxdiisii hore ee Manchester United oo uu dhawr bilood ka hor si xor ah uga tegay markii uu dhamaaday qandaraaskii uu kula jiray, laakiin hadda waxa uu ka cararayaa fadeexadda ku habsaday kooxdiisa Juventus.

Paul Pogba ayaa noqday ciyaartoyga ugu qaalisan horyaalka Premier League sannadkii 2016 oo ay Manchester United dib ugala soo wareegtay Juventus, laakiin lix sannadood oo uu ku qaatay Old Trafford ayuu si xor ah uga baxay isaga oo aan ku guuleysanin horyaalka Premier League.

Kubbad-sameeyahan oo aan wali hal ciyaarna u safanin Juventus tan iyo markii uu dib ugu laabtay oo uu dhaawac kaga maqan yahay, ayaa waxa la sheegay in uu shandaddiisa u xidh-xidhanayo Old Trafford oo uu doonayo inuu dib ugu laabto.

Fadeexadda musuqa iyo been-abuurka maaliyadeed ee ay samaysay Juventus oo lagu ganaaxay 15 dhibcood oo laga jarayo xilli ciyaareedkan, ayaa la sheegay inay sababi doonto inay ciyaartooyo waaweyn oo uu ku jiro Pogba ka tagaan.

Xiddigan ku guuleystay koobkii adduunka 2018, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa kooxo waaweyn oo ay ugu horreyso Manchester United oo uu hore u sheegay inay qalbigiisa ku weyn tahay maadaama uu kulliyaddeeda kasoo aflaxay markii dambena uu lix sannadood u ciyaaray.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*