Paul Pogba oo ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda Manchester United

Paul Pogba

Paul Pogba ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda Manchester United Isniintii.

The Mirror ayaa ku warameysa in maamulaha ku meel gaarka ah Ralf Rangnick uu 10 maalmood ka hor sheegay in 28-sano jirkaan uusan diyaar aheyn ilaa bisha Febraayo, laakiin Cristiano Ronaldo ayaa bartiisa Instagram-ka ku shaaciyay in Pogba uu goor hore soo laabtay.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bishii November, markaasoo uu dhaawac ka soo gaaray muruqa isagoo ku guda jira tababarka France.

Si kastaba ha ahaatee, si uu uga soo muuqdo Rangnick, Pogba ayaa laga yaabaa inuu soo laabto marka ay Red Devils u safreyso Brentford Arbacada ama ay martigeliso West Ham Sabtida.

Galabnimadii isniinta, Ronaldo ayaa soo dhigay sawirka United oo tababarka ku jirtay.

Waxa ku jiray Sawirka Tom Heaton, Phil Jones, Luke Shaw, Donny van de Beek , Marcus Rashford iyo, la yaab, Pogba.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*