Paul Scholes ayaa magacaabay kooxda uu rumaysan yahay in ay ku guulaysan doonto tartanka champions League.
Marxaladaha hore ee qaabka cusub ee tartanka ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo kooxaha premier League muujiyeen tayadooda.
Labada kooxood Aston Villa iyo Liverpool ayaa badiyay seddexdii kulan ee furitaanka, halka Manchester City ay ku jirto kaalinta seddexaad iyaga oo badiyay 2 kulan mid kalena bar-baro galay.
Si kasta ha ahaatee tartanka ayaa noqon doona mid adag oo xiiso leh waxana ku tartami doona kooxo badan oo waaweyn.
Scholes ayaa aaminsan in kooxda Barcelona ay ku guulaysan doonto tartanka champions League xilli ciyaareedkan.
“Waxa aan qabaa in Barcelona noqon karto halis”ayuu yidhi xiddigii hore ee Man United.
“Waxa ay ka mid yihiin kooxaha ugu fiican tartanka, waxa aan daawaday kulankii Bayern Munich waanan la yaabay”ayuu sii raaciyay.