Home Warar Ciyaaraha Maanta Paul Scholes oo saadaal geesinimo leh ku sheegay in Arsenal ay ku...

Paul Scholes oo saadaal geesinimo leh ku sheegay in Arsenal ay ku guuleysan doonto Premier

0

Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa saadaal geesinimo leh ku sheegay in Arsenal ay ku guuleysan doonto Premier League xilli ciyaareedkan.

Xidigii hore ee khadka dhexe ee England ayaa aaminsan in Gunners ay horumar la taaban karo samaysay sanadihii ugu dambeeyay ayna haatan diyaar u yihiin in ay jabiyaan awooda Manchester City.

Scholes ayaa saadaaliyay sababta ka dambeysa horumarka joogtada ah ee Arsenal, wuxuuna yiri: “Waxaan filayaa in Arsenal ay noqon doonto kooxda ku guuleysata horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, horumar ayay sameeyeen sanadihii lasoo dhaafay, kaliya waxaan u maleynayaa in sanadkan uu yahay markii ay diyaar u yihiin inay ku guuleystaan horyaalka”.

Si kastaba ha ahaatee, Scholes ayaa qiray in howshaasi aysan noqon doonin mid fudud, iyadoo loolan adag uu kala dhaxeeyo 7-da kooxood ee ugu sareysa horyaalka.

“Ma sahlanaan doonto, waxaa jiri doona tartan badan, todobada kooxood ee ugu sareysa runtii aad ayay u fiican yihiin,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here