Halyeyga Manchester United ee Paul Scholes ayaa rumaysan, in Juan Sebastian Veron aanu kusoo bixin Old Trafford sababtoo ah qaabka kubbadda ay u weerar-geyso Red Devils oo aan waafaqsanayn falsafaddiisa iyo qaab-ciyaareedkiisa.
Sir Alex Ferguson ayaa July 2001, waxa uu £28.1 milyan oo Gini kasoo bixiyey Veron oo waqtigaas 26 jir ahaa oo uu kasoo qaatay Lazio, waxaanu noqday saxeexii ugu qaalisanaa taariikhda kubadda cagta Ingiriiska waqtigaas, hase yeeshee 12 bilood kaddib saxeexiisa ayaa waxa rikoodhkiisa iibka jabiyey Rio Ferdinand oo ay United kaga soo iibsatay Leeds United £29.1 milyan oo Gini.
Juan Sebastian Veron oo waqtigaas lagu tilmaami jiray in uu yhy khdk dhexe ee ugu wanaagsan Yurub oo dhan, kaddib shan sannadood oo uu usoo ciyaaray kooxaha horyaalka Talyaaniga ee Sampdoria, Parma iyo Lazio oo uu kula guuleystay lix koob oo ay ku jiraan Serie A iyo UEFA Cup ayaa yimid Old Trafford, waxaana bishii ugu horreysayba uu ku bilowday si heersare ah, iyadoo loo doortay xiddiga horyaalka Premier League ee bishii September.
Laakiin intaa wixii ka dambeeyey isbeddel ayaa ku dhacay, waxaana soo gaadhay dhaawacyo is-xigay oo sabab u noqday in uu kaydka u dhacdo. Laba sannadood kaddib waxay Manchester United go’aansatay in ay Veron ka iibiso kooxda reer London ee Chelsea oo ka bixisay £15 milyan oo Gini, hase yeeshee waxa uu kusii guuleystay horyaalka Premier League ka hor intii aanu ka tegin Old Trafford.
Paul Scholes oo ay iska garab ciyaarayeen Veron, ayaa la weydiiyey sababta uu xiddiga reer Argentina si fiican ugu saldhigi waayey Old Trafford, waxaana uu ku dooday in ay ahayd qaab ciyaaareedka horyaalka Premier League ee mar walba ku dhisan in kubadda si degdeg ah weerarka loo geeyo oo aanay ciyaartiisu kusoo baxaynin, iyo tartan badan oo uu kala kulmayay ciyaartoyda sida Nicky Butt iyo Roy Keane.
“Aniga iyo Veron waxa aanu isku ahayn musiibo. Waxa aan u malaynayay in aanu is-fahmi doono mar uun, laakiin wada shaqayntayadu ma fiicnayn. Waxa aanu noqonay laba aan danayn difaacista, waxay se ila tahay qaabka weerarka. Veron waxa uu ahaa ciyaartoy aad u wanaagsan.”