Home Warar Ciyaaraha Maanta Paul Scholes oo Sheegay in Arne Slot uudan Jeclayn qaab ciyaareedka Trent...

Paul Scholes oo Sheegay in Arne Slot uudan Jeclayn qaab ciyaareedka Trent Alexander-Arnold

0

Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa su’aal galiyay in Arne Slot uu ‘jecel yahay’ qaab ciyaareedka Trent Alexander-Arnold ee kooxdiisa Liverpool.

Liverpool ayaa si cajiib ah ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub iyada oo uu Slot hogaaminayo waxana ay badiyeen 3-dii kulan ee ay ciyaareen ilaa haatan.

Slot ayaa ka ciyaarayay daafaca Liverpool ilaa haatan xilli ciyaareedkan waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Laakiin xiddiga ayaan dhamaysan wax ka badan 77 daqiiqo kulamadii uu ilaa haatan u ciyaaray Liverpool.

Scholes ayaa sheegay in uu arkay calaamado muujinaya in aanu Slot jeclayn Alexander-Arnold.

“Miyaad u malaynaysaa in Slot jecelyahay Alexander-Arnold? Scholes ayaa la waydiiyay.

“Markii aan daawaday kulankii Axadii, mar walba oo Alexander-Arnold kubada helo, Slot madaxa ayuu ruxayay, waxana uu kolba dib ugu jeedsanayay kaydkiisa”

“Uma malaynayo in uu Slot jecelyahay Alexander-Arnold”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here