Home Warar Ciyaaraha Maanta Paul Scholes oo taageeray Ruud van Nistelrooy

Paul Scholes oo taageeray Ruud van Nistelrooy

0

Paul Scholes ayaa taageeray Ruud van Nistelrooy inuu qabto xil cusub kadib markii uu xilka ku-meelgaarka ah ee Manchester United dhammaado.

Ruud van Nistelrooy ayaa haatan ah tababaraha ku-meelgaarka ah ee Manchester United.

Paul Scholes wuxuu aaminsan yahay in Ruud van Nistelrooy uu ka niyad jabsan yahay doorkiisa Manchester United, kadib guulihii uu ku gaaray PSV Eindhoven, wuxuuna ku booriyay saaxiibkiisii hore inuu tababare buuxa ka noqdo koox kale.

48-jirka ayaan weli wax guuldarro la kulmin saddexdiisa kulan ee uu majaraha u hayay kooxda, hase yeeshee mustaqbalkiisu waa mid aan la hubin, maadaama Ruben Amorim la filayo inuu bilaabo shaqadiisa tababarenimo Isniinta soo socota.

Si kastaba ha ahaatee, Scholes oo ay horay usoo wada ciyaareen Van Nistelrooy ayaa ku booriyay tababaraha reer Holland inuu ka tago Old Trafford oo uu raadiyo shaqo cusub oo kale, gaar ahaan kadib waayihiisii guusha ahaa ee uu la qaatay PSV Eindhoven xilli ciyaareedkii 2022-23.

Isagoo ka hadlayay kaddib guushii 2-0 ee United ay ka gaartay PAOK Khamiistii, Scholes wuxuu yiri: “Markaad aragto isaga oo ku sugan garoonka dhinaciisa, wuxuu u muuqdaa tababare dhab ah. Xitaa wuxuu u labisan yahay sida tababare!”

Ciyaarta ugu dambeysa ee Van Nistelrooy waxay noqon doontaa marka ay wajahaan Leicester City Axadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here