Pep Guardiola: ‘John Stones wuxuu ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisii ​​fiicnaa’

Photo/Reuters

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ku amaanay John Stones inuu ku soo jeestay nasiibkiisa kooxda.

City ayaa u muuqatay mid ku adag daafaca intii lagu jiray kulankii ay 1-0 kaga badisay kooxda qaab ciyaareedka fiican ku jirtay ee Southampton Sabtidii, waxaana ay diiwaan geliyeen hal kulan oo nadiif ah marka loo eego xilligan oo kale xilli ciyaareedkii hore.

Guardiola ayaa si gaar ah u amaanay Stones kaalintiisii, wuxuuna yiri: “Wanaagiisa. Wuu soo laabtay.

“Runtii, sifiican ayuu ula ciyaaray Ruben (Dias) sidoo kale, dhamaan afarta daafac waxay ahaayeen kuwo xariifnimo daafac ah maxaa yeelay ma fududa. Waxay ciyaartoy badan ku leeyihiin halkaas mana ahan wax fudud.”

Stones ayaa ahaa mid aan is bedelin tan iyo markii uu City kaga soo biiray Everton sanadkii 2016 waxaana lagu soo koobay kaliya 24 kulan xilli ciyaareedkii hore.

Waxa uu ciyaaray 10 jeer ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkaan, Guardiola ayaana aaminsan in 26 jirkaan uu u qalmo amaan badan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*