Pep Guardiola ayaa badalay hadalkiisii hore ee ahaa in Manchester City ay macasalaamayn karto difaacashada horyaalka Premier League haddii ay guuldarro ka soo gaarto Liverpool Axadda.
Kadib guuldaradii naxdinta lahayd ee 4-0 ka soo gaartay Tottenham isbuucii hore, Guardiola ayaa qirtay in awooda City ee Premier League ay dhamaan doonto hadii kooxdiisa laga badiyo Liverpool.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee City Ilkay Gundogan ayaa sidoo kale hadalkaas sheegay kadib bar-barihii 3/3 ahayd ee ay kala kulantay Feyenoord champions League.
Laakiin kadib markii uu xaalada qiimeeyay Guardiola ayaa si ka duwan sidii hore u hadalay markii wax laga waydiiyay fursadaha kooxdiisa ee horyaalka.
“Xaaladda aan ku jirno ma ahan wax macquul ah in laga fikiro bartilmaameedyada waaweyn,” ayuu yidhi.
“Xaaladdu waa in aan ka fikirno kulan aan ciyaarayno oo kaliya kadib dib u dhisno kalsoonida, xitaa xaaladdii aan ku jirnay waagii hore ee aan ku fikirnay in aan ku guuleysano koobab ma ahayn mid xaqiiqo ah, waan soo kabsannay”
“Liverpool aad ayay ugu awood badan tahay dhamaan waaxaha, gaar ahaan weerarka, way adkaan doontaa laakiin xaalada aan ku jirno, guuldarooyin badan oo isku xigta, iyo seddex Premier League, waxaan had iyo jeer ka fikiraa bartilmaameedyada March ama April. Wax dhib ah maleh waxa dhaca axada way ka sii adkaan doontaa hadii aanaan wax natiijo ah keenin axada laakiin waxaa jira kulamo badan oo la ciyaari doono”.