Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ciyaartoy lama filaan ah u magacaabay ‘xiddig aan la tuuri karin ee kooxdiisa’, kaddib kulankii ay Sabtidii 3-1 ku garaaceen West Ham United oo ay ku booqdeen magaalada London.
James Ward-Prowse ayaa gool ku furay ciyaarta qaybtii hore iyadoo West Ham hoggaanka qabatay hase yeeshee saxeexa cusub ee Jeremy Doku ayaa barbarreeyey ka hor intii aan waqtiga loo bixin, waxaanu goolkaasi ahaa midkii koowaad ee uu horyaalka Premier League ka dhaliyey Doku oo ay City kaga soo iibsatay Rennes lacag dhan £55.5 milyan oo Gini.
Waxa laba gool oo kale qaybtii labaad israaciyey Bernardo Silva oo baas qurux badan ka helay Julian Alvarez iyo Erling Haaland, taas oo keentay in City ay dib ugu soo noqoto hoggaanka.
Tababare Pep Guardiola ayaa si weyn u amaanay Julian Alvarez kaddib ciyaarta, waxaana uu ku sheegay xiddiga ugu sarreeya ee halka ugu sarraysa u taagan kooxdiisa ee marnaba aanu shakiga gelin karaynin, waxaana uu yidhi: “Shaki ayaanu gelinaynay Julian sababtoo ah waqi dambe ayuu diyaarad kaga yimid Bolivia. Shalay wuu dallanaa, laakiin waxa uu haddana maanta dareemay in uu fiican yahay, illaa xalayna wuu fiicnaa.
“Wax badan ayuu ka bartay sida loo dhaqaaqo, waxa uu mar walba yahay khatar gool-dhalinaya iyo caawiye ay shaqadiisu sarrayso. Waanu ku faraxsanahay in kooxdu sannadkii hore noo keentay.
“Ilkay Gundogan ayaa naga tegay, nasiib-darrona waxa naga dhaawacmay Kevin De Bruyne, markaa waxa fursado helay Julian oo aanu isticmaalaynaa, haddana waxa uu noqday lama-taabtaan.”