Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa hadal xiiso leh ka sheegay dhibaatada kooxdiisa xilli ciyaareedkan marka loo eego natiijooyinka tartamada kala duwan.
Guardiola ayaa ku yiri hadal uu yidhi kadib guuldaradii Manchester Derby”Inaan horyaalka ku guulaysano xilli ciyaareedkan waxa ay noqon kartaa guusheena ugu weyn?Waan ka xunnahay, waxaan horay u gaarnay guulihii ugu waaweynaa, waxaan ahayn kuwa ugu fican, hadda ma nihin sababtoo ah ma heysano ciyaartoyda”.
Pep ayaa intaa ku daray, “muuqaaladu kuma filna in aan falanqayno khaladaadka Man City, waa in aan ku cel-celinaa, Inaad noqoto qoraa macnaheedu maaha in buugaagta la akhriyo, waa inaad ku celcelisaa qorista sheeko”.
Macallinka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Haddii aad ii sheegi lahayd bil ka hor, markii aan horyaalka Premier League ku hogaaminaynay guuldaro la’aan in nalaga badin doono 7 ka mid ah 10-ka kulan waan waalan lahaa laakiin way dhacday waxa laga yaabaa in nalaga badiyo wax intaas ka badan”.