Home Suuqa Kala iibsiga Pep Guardiola oo jawaab cad ka bixiyay hadalkii Julian Alvarez ee...

Pep Guardiola oo jawaab cad ka bixiyay hadalkii Julian Alvarez ee ku aadan mustaqbalkiisa Man City.

0

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa jawaab cad ka bixiyay hadalkii Julian Alvarez ee ku aadan mustaqbalkiisa Man City.

Alvarez ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo xagaagan inkastoo afar sano ay uga harsan tahay qandaraaskiisa Man City.

Weeraryahankan oo Argentina u matalaya ciyaaraha Olombikada 2024-ka ayaa sii kordhiyey wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalkiisa, taas oo muujinaysa inuusan ku faraxsanayn waqtigiisa ciyaaraha Man City.

“Ma joojin inaan ka fikiro waxa aan sameyn doono,” Alvarez ayaa u sheegay Idaacada DSports.

“Xilli ciyaareedkii hore waxaan ka mid ahaa ciyaartoyda daqiiqadaha ugu badan ciyaarayay kooxda”.

“Laakiin waa run: dhamaadka, ciyaaraha muhiimka ah kuma faraxsani in aan seego waxa aan haystaa wakhti aan kaga fikiro go’aankayga”.

Guardiola ayaa u muuqday mid jawaab kulul bixiyay markii wax laga weydiiyay hadaladii Alvarez ka hor kulanka saaxiibtinimo ee Talaadada ay Barcelona kula ciyaari doonaan Orlando.

“Waxa uu sheegay in uu ka fikiri doono arintaas”ayuu Guardiola u sheegay saxaafada.

“Markii uu ka fikiray arinkaas, wakiilkiisu wuxuu waci doonaa Txiki Begiristain, waana arki doonaa dhaca”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here