Pep Guardiola oo ka fal celiyay isku aadka wareega 16-ka ee Champions League

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa aaminsan inay “caddaalad” u ahayd dhammaan kooxaha in mar kale la sameeyay isku aadka wareega 16ka Champions League , ka dib markii qaladaad lagu sameeyay qeybta hore.

Khaladaadka ku lug leh Manchester United, Liverpool iyo Atletico Madrid ayaa la sameeyay “dhibaatooyin farsamo” , taasoo ku qasabtay UEFA inay ku dhawaaqdo ku celinta mar kale.

Citizens ayaa lagu waday inay wajahaan kooxda La Liga ka dhisan ee Villarreal, si kastaba ha ahaatee waxay haatan isku arki doonaan kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon wareega 16ka.

Isagoo la hadlayay saxaafada ka hor kulanka Premier League ee ay City la ciyaari doonto Leeds United talaadada, Guardiola ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa inay cadaalad tahay, waxay ahayd qalad, arrimahan oo kale ayaa dhaca mararka qaar, gaar ahaan ciyaartoyda iyo maamulayaasha, marka mararka qaar sidoo kale UEFA.

“Sida aan had iyo jeer idhi, aad ayaan ugu qanacsanahay in aan qayb ka noqdo arrintaas, waxaan u maleynayaa inay cadaalad tahay, waa qalad, markaa waa inaad ku celisaa si aan shaki u jirin.

City ayaa u safri doonta Lisbon lugta hore 15ka Febraayo, ka hor inta aysan ku soo dhaweynin kooxda heysata Primeira Liga Etihad Stadium lugta labaad ee March 8.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*