Pep Guardiola oo ka hadlay in Haaland lala barbar dhigo Lionel Messi, Jawaab ka nixisay Haaland

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ku adkeysanaya inaan ciyaaryahan kubada cagta adduunka ah oo uu ku jiro Erling Braut Haaland lala barbar dhigi karin Lionel Messi .

Tan iyo markii uu ka yimid Borussia Dortmund xagaagii, Haaland waxa uu dhaliyay 19 gool 11 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo ka ciyaara shanta horyaal ee ugu sareeya Yurub.

Xiddiga reer Norway ayaa raacay rikoorkii uu ka dhaliyay Manchester United seddexleydii uu ka dhaliyay kulankii ay City 5-0 kaga badisay Copenhagen Arbacadii.

Weeraryahankii ugu weynaa ee ka hoos ciyaara Guardiola waa Messi oo ku guuleystay todobo jeer Ballon d’Or, kaasoo kor u qaaday ciyaartiisa isagoo u ciyaarayay tababaraha Catalan ee Barcelona intii u dhaxeysay 2008 iyo 2012.

Guardiola ayaa hadda la shaqeynaya weeraryahan kale oo caan ah kaasi oo ah Haaland, laakiin Isbaanishka ayaa rumeysan in lambarka sagaalaad ee City aan lala barbar dhigi karin Messi.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay ka hor kulanka ay City la ciyaari doonto Southampton sabtida, Guardiola ayaa yiri: “Ma jiro wax la mid ah Leo Messi.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*