Home Warar Ciyaaraha Maanta Pep Guardiola oo Kulanka Arsenal ku Tilmaamay Mid aan Muhiim Aheyn

Pep Guardiola oo Kulanka Arsenal ku Tilmaamay Mid aan Muhiim Aheyn

0
Manchester City ayaa Ciyaaridoonta kulan aan qasab ku aheyn inay badiso tartanka horyaalka isbuucaan.

Taasi waa aragtida tababare Pep Guardiola, kaasoo aad ugu riyaaqaya inuu xilli ciyaareedkii hore ku guuleysto horyaalka.

Macalinka waxa uu aaminsan yahay in kulanka axada ee hogaanka horyaalka ee Arsenal aanu go’aamin doonin cidda ku guulaysata horyaalka.

“Mar walba waxa ay ahaayeen koox adag sanadihii ugu dambeeyay sababtoo ah way fiican yihiin laakiin annagu sidoo kale waan fiicanahay,” ayuu yiri intii lagu jiray shirkii jaraa’id ee ka hor ciyaarta Jimcihii.

“Taasi waa sababta ay noola xafiiltamaan labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

“Marka la eego kala Sareynta, maahan mid aad muhiim u ah. Waxa muhiimka noqon doona waa marka aan aadno London qaybta labaad ee xilli ciyaareedka.

“Ma ahan dhiirigelin inaan ku guuleysano si aan shan dhibcood uga horeyno shan kulan ka dib! Waa in la sameeyo ciyaar wanaagsan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here