Tababarihii hore ee England Fabio Capello oo ku eedeeyay Pep Guardiola inuu waayey koobab isagoo ciyaartooy muhiim ah keyd geliyey si uu isagu u soo muuqdo.
Tababarihii hore ee England, Fabio Capello, iyo xiddigii hore ee Premier League Paolo Di Canio ayaa dhaliilo adag u jeediyay tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, iyo goolhayihiisa Ederson. Labada khabiir ayaa ka hadlay kulankii ay Manchester City booqatay Juventus, iyagoo ka hadlayay Sky Sport Italia.
Capello ayaa sheegay:
“Guardiola waa tababare weyn, laakiin aad ayuu u isla weyn yahay oo wuxuu is geliyaa kalsooni xad-dhaaf ah. Mararka qaar waxa uu waayay koobab muhiim ah isagoo doonaya inuu muujiyo khibrad aan jirin, taas oo keentay inuu keyd geliyo ciyaartoy muhiim ah kulamada waaweyn.”
Tababaraha reer Talyaani ayaa intaa ku daray in tani ay u muuqato isku day uu isagu ku qaadanayo ammaanta guulaha kooxda halkii uu siin lahaa ciyaartoyda.
Capello iyo Di Canio ayaa sidoo kale dhaliilay goolhaye Ederson, iyadoo Capello uu ku tilmaamay “musiibo” islamarkaana uu sheegay in Guardiola uu kaga tago kursiga keydka ilaa uu ka barto is-hoosaysiinta.
Si kastaba ha ahaatee, Ederson ayaa dib ugu soo laabtay safka koowaad kulankii Juventus kadib markii uu saddex kulan keydka ku jiray, waxaana booskiisa si ku meel gaar ah uga ciyaaray Stefan Ortega.