Pep Guardiola oo loo magacaabay tababarihii ugu fiicnaa Premier League bishii December

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ku guuleystay abaal-marinta macalinka bisha December ee horyaalka Premier League, isagoo ku guuleystay abaal-marinta bishii labaad oo xiriir ah.

Ka dib markii uu helay abaalmarinta bishii Nofembar markii uu ku hogaamiyay Citizens guulo muhiim ah.

Isbaanishka ayaa Kooxdiisa ku hogaamiyay guul dhamaan todobadii kulan ee horyaalka ee xilli ciyaareedkii hore, isagoo hogaanka ku haya 8-dhibcood.

Guulaha uu gaaray waxaa kamid ah Aston Villa iyo Watford bilawgii bishan sidoo kale guulo uu ka gaaray Wolverhampton Wanderers, Leeds United iyo Newcastle United celcelis ahaan 12-0.

Guardiola iyo kooxdiisa ayaa sameeyay rekoodhka 100% bishii December  6-3 ayay kaga badiyay gurigooda Leicester City maalintii Boxing Day iyo 1-0 ay kaga badiyeen Brentford saddex maalmood ka dib.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*