Pep Guardiola Oo Magacaabay Shanta Xiddig Ee Liverpool Ee Uu Ku Adkaatay Inuu meel iska saaro.
Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa magacaabay shan ciyaartoy oo Liverpool ah oo uu sheegay inay ahaayeen kuwa aad u adag oo kooxdiisu ku guuldarreysatay inay la tartanto intii lagu jiray guuldarradii 2-0 ee Anfield Axaddii.
Guuldarradaas ayaa ahayd tii lixaad ee Manchester City ee toddobadii kulan ee ugu dambeeyay, iyadoo Liverpool ay haatan 11 dhibcood ka sarreyso kooxda heysata horyaalka Premier League,Reds ayaa si raaxo leh ayey ugu fadhida hoggaanka miiska kala sarreynta ee horyaalka.
Shanta Ciyaaryahan Ee Liverpool Ugu Saameynta Badan
Guardiola, oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka Nottingham Forest, ayaa ku amaanay shanta ciyaaryahan ee weerarka uga ciyaara Liverpool.
“Waxaan jeclahay garbaha, laakiin waxaan rabay inaan helno xakameyn dheeraad ah sababtoo ah waan ognahay, marka aan kubadda luminno,waxaa nalagu soo qaadayay weerar-rogaalcelis ah oo ay hagayaan [Mo] Salah, [Dominik] Szoboszlai, [Luis] Diaz, [Cody] Gakpo, iyo [Darwin] Nunez,” ayuu Guardiola qirtay.
“Way Naga Dheereeyeen Oo Naga Awood Badnaayeen”
Tababaraha reer Spain ayaa ku sheegay ciyaartoydaas inay yihiin kuwa aad u dhakhso badan oo ka xoog badan marka loo eego ciyaartoyda Manchester City ee boosaskaas:
“Way naga dheereeyeen, naga xoog badnaayeen, kana dhakhso badnaayeen ciyaartooyda aan safay boosaskaas .”
Liverpool, oo uu hoggaamiyo Arne Slot, ayaa sii xoojisay rajadeeda hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan, iyadoo City ay hadda ku jirto xaalad adag oo u baahan inay ka soo kabato hoos-u-dhacooda natiijooyinka.