Home Warar Ciyaaraha Maanta Pep Guardiola Oo Shaaciyay Hal Faa’iido Oo Ay Man City Ka Leedahay...

Pep Guardiola Oo Shaaciyay Hal Faa’iido Oo Ay Man City Ka Leedahay Arsenal.

0

Manchester City ayaa Axada wajaheysa Arsenal kulan ka tirsan Premier League-ga ka dib markii labada kooxood ay ciyaaren ololahooda Champions League-ga.

Labada kooxood ayaa u dagaalamayey horyaalka ilaa maalintii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedkii hore 2023/24, laakiin kooxda Pep Guardiola ayaa garaacday Gunners.

Tababaraha Manchester City ayaa dareensan in kooxdiisu ay wax yar ka faa’iidaysan karaan kuwa ka soo horjeeda Axadda.

Tan iyo markii uu yimid Premier League, Guardiola ayaa guulo waaweyn ka gaaray Arsenal.

Xaqiiqdii, wax guuldaro ah kalama kulmin Gunners kulan ka tirsan horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Mikel Arteta ayaa isku diyaariyay kulanka axada iyagoo haysta fursad weyn oo ay ku kasban karaan guushoodii ugu horeysay ee Man City tan iyo 2015.

Shirkiisa jaraa’id, wuxuu ku sheegay in kooxdiisu ay leedahay faa’iido yar.

Waxa ay heleen maalin dheeraad ah oo nasasho ah ka dib markii ay ciyaareen kulankoodii  Champions League Arbacadii, halka Arsenal ay ciyaartay khamiistii.

Si kastaba City ayaa Axada wajahaysa Gunners.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here