Home Warar Ciyaaraha Maanta Pep Guardiola oo sheegay in ay Arsenal wacdaro dhigayso ka hor bilaabashada...

Pep Guardiola oo sheegay in ay Arsenal wacdaro dhigayso ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

0

Tababaraha Man City ee pep Guardiola ayaa sheegay in ay Arsenal wacdaro dhigayso ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Mikel Arteta ayaa la tartantay Man City labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay iyaga oo ku tartamay horyaalka.

Gunners ayaa is xoojisay suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo la soo saxiixday Riccardo Calafiori waxana ay guul 4/1 ah ka gaadheen Leverkusen kulankii ugu dambeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub, Guardiola ayaa la waydiiyay hadii uu ka wal-walsanyahay qaab ciyaareedka Arsenal waxana uu yidhi”Haa, dabcan”.

“Waxa aan ka wal-walsanaa sanado badan sida ay u fiican yihiin una fiicnaanayaan sanad kasta”.

“Waxa aan arkay Arsenal oo u ciyaaraysa isla heerkii ay u ciyaaraysay xilli ciyaareedkii hore kulankii Leverkusen, waa koox wacdaro dhigaysa waxa ay u muuqataa in ay ka adkaan doonto sidii sanadkii hore”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here