Home Horyaalka England Pep Guardiola oo sheegay inuu Heshiis Cusub u saxiixayo kooxda City

Pep Guardiola oo sheegay inuu Heshiis Cusub u saxiixayo kooxda City

0
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu saxiixo heshiis cusub.

Guardiola ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa haatan, iyadoo City ay dooneysay inay u kordhiso 12 bilood.

Mar wax laga weydiiyay xaaladiisa kooxda isagoo ku sugan mareykanka waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqada inuuna soo dhaweenayo heshiis cusub.

City waxa ay habeen dambe garoonka Yankee Stadium ku wajihi doontaa AC Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here