Home Suuqa Kala iibsiga Pep Guardiola Oo war Cusub kasoo Saaray Mustaqbalka Iyo Xaalada Goolhaye Ederson.

Pep Guardiola Oo war Cusub kasoo Saaray Mustaqbalka Iyo Xaalada Goolhaye Ederson.

0

In kasta oo uu horumar sameeyay dooqa labaad ee Stefan Ortega, Ederson ayaa weli ah dooqa koowaad ee goolhayaha Guardiola, waxaana uu xilkaas hayay muddo haatan laga joogo 7 sano.

Si kastaba ha ahaatee, goolhayihii hore ee Benfica ayaa bartilmaameed u ah kooxaha Saudi Pro League, waxaana loo maleynayaa inuu diyaar u yahay inuu tartan cusub ka ciyaaro xagaagan.

Al-Nassr ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayday kuna guuldareysatay inay la soo wareegto Ederson, uma badna inay dib ugu laabtaan 30 jirkaan ka dib markii ay la wareegeen goolhayaha Athletico Paranaense ee Bento.

Ederson hadda wuxuu ku jiraa labadii sano ee ugu dambeyay ee heshiiskii Etihad.

30 jirkaan ayaa kursiga keydka fadhiyay kulankii ugu horeeyay ee Man City ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub oo ay guuldarro 4-3 ah oo kasoo gaartay Celtic.

Si kastaba ha ahaatee, tababarihii hore ee Barcelona ayaa qirtay in bixitaanka goolhayaha Brazil ay ku xirnaan doonto dhaqdhaqaaqa kooxaha kale, inkastoo uu jeclaan lahaa inuu sii joogo.

“Waxaan jeclaan lahaa inuu joogo laakiin waxay kuxirantahay kooxaha kale.

ma garanayo xaalada , Ma jirin xidhiidho maalmihii ugu dambeeyay

waan arki doonaa wixii dhaca,” Guardiola ayaa yiri.

Ederson waa mid ka mid ah laba nin oo Man City ah oo isha ku haya madaxda Sucuudiga, kuwaas oo sidoo kale ku riyoonaya inay la wareegaan Kevin De Bruyne oo qandaraaska uu ka dhacayo xagaaga 2025.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here