Home Wararka Ciyaaraha Maanta Pep Guardiola oo xaqiijiyay in Eric Garcia uu ka tago Manchester City...

Pep Guardiola oo xaqiijiyay in Eric Garcia uu ka tago Manchester City dhamaadka xiliciyaareed kaan.

0
Photo/Reuters
Pep Guardiola ayaa filaya Eric Garcia inuu ka tago Manchester City dhamaadka xiliciyaareed kaan.

20 jirkaan daafaca ayaan wali ogolaan heshiis cusub oo qandaraaskiisa haatan dhacaya waxaana lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxo dhowr ah oo ka dhisan Yurub.

Garcia ayaa saftay kulankiisii ​​ugu horeeyay ka dib muddo bil ah oo uu la maqnaa dhaawac iyo xanuun kulankii ay City 3-1 kaga badisay Cheltenham Town ee wareega afaraad ee FA Cup , ka dib, Guardiola ayaa qirtay inuu u maleynayo inuu ciyaaryahanka reer Spain qarka u saaran yahay inuu baxo.

“Waan arki doonaa waxa dhaca dhamaadka suuqa kala iibsiga,” ayuu yiri tababaraha City markii la weydiiyay hadii ay jirto fursad uu Garcia ku bixi karo bisha Janaayo.

“Uma maleynayo [inuu saxiixi doono qandaraas cusub].

“Waan hubaa inuu bixi doono dhamaadka xilli ciyaareedkaan, haatanna marka uu furmo suuqa kala iibsiga, waxay ku xirnaan doontaa kooxaha kale.”

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here